cayilan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)Wax cayilay ahaansho. ld cayillan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cayilan ↴
tabaadi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Neef buuran, cayilan, shilis.
cagabbaruur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.
cayili [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley wax cayilan ka dhigid.
cayillan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld cayilan.
cayilnaan [m.f.dh]
eeg cayilan. ld cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho.
dhiito [m.dh]
1. Neef geela oo cayilan. 2. Finan waaweyn oo dadka ka soo baxa.
garaar [m.dh] (-ro, m.l)
1.Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3. Dhaqdhaqaaq; dikaa.
isgoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -ooysay)
1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid.
koboc [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: nafley yar oo cayilan.
cayil [m.l]
Hilib iyo baruur badan oo ay nafley yeelato.
cayil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
Hilib iyo baruur badan yeelasho.