caymi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caymi ↴
caymin [m.f.dh]
eeg caymi. ld caymis (2).
caymis [m.l]
1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.
caynsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).
caynso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.
cay [m.l]
Dhareer; calyo.
cay [m.dh]
1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.
cay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay².