caymo
(m.dh)

1. In ka samatabaxday hanti burbur ku dhacay. 2. Kaalmo aan badnayn oo la siiyo cid hantidii ay lahayd dhaaftay. ld caynaano.

caymo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-yntay, -ymatay)

1. Wax halis ka samatabixid. 2. Xoolo lumay ama la dhacay in yar ka badbaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caymo

caymasho [m.f.dh]
eeg caymo². ld caymad.

caynaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid caymo siin.

caynaano [m.dh]
ld caymo¹.

cay [m.l]
Dhareer; calyo.

cay [m.dh]
1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.

cay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg