celcelis
(m.l) (-syo, m.dh)1. Xilliga dabayluhu is beddelaan gu'ga iyo dayrta oo aysan dhan u badan. 2. Isku darka labada lambar ama ka badan oo loo qaybiyo mid ka mid ah, tirada ka soo baxda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh celcelis ↴
maalin-qorraxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.
oomane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
celcelis-joometeri [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) C. j.iyeed ee “n” xaddi waa xidid “n” - jibbaarka tarankooda.
celceliska heerka badda (C.H.B.) [m.l]
(juqr.) (C.H.B.) Celceliska heerka badda, marka laga xisaabiyo indhaindhayn badan oo la sameeyay muddooyin isla eg gudahood.
dalankacee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
Si celcelis ah u turanturrood.
deebaani [m.l]
1. Muddada urtu celcelis tahay ee u dhexeysa Oktoobar iyo Nofeembar. 2. ld deebaan.
hadiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.
joog [m.l]
(juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.