ces
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -satay)

Cid xurmayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ces

ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.

kaadi-ku-ceshoomid [m.dh]
(daaw.) Kaadida oo soo bixi weyda oo ku ceshoonta kaadi haysta.

laabo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-btay, -batay)
1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho.

aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

calyoceshade [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.

ceshad [m.l]
ld ceshasho.

ceshasho [m.f.dh]
eeg cesho. ld ceshad.

ceshiimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
1. Hanti la dhacay ama baadi ah ciddii lahayd u celin. 2. Safar bixiddiisa dib u dhigid. 3. Dhul in la daaqo, in mudda ah u diidid. ld ceshiinee, cishiinee.

ceshiimeyn [m.f.dh]
eeg ceshiimee. ld ceshiineyn, cishiineyn.

c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg