cesho
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-shaday, -shatay)

1. Qof, wax laga qaatay ama uu baxshay, mar labaad dib u qaadasho. 2. Wax in ay lumaan ama hallaabaan ka ilaalin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cesho

kaadi-ku-ceshoomid [m.dh]
(daaw.) Kaadida oo soo bixi weyda oo ku ceshoonta kaadi haysta.

ceshasho [m.f.dh]
eeg cesho. ld ceshad.

indhafiiqid [m.dh]
Qalidda indha lagu sameeyo si araggooda loo soo cesho.

qaldhac [m.l] (-cyo, m.dh)
Qori loo kala jeexay laba qalbac oo dabada looga xiro si uu saalada iyo neefta ugu cesho hal la doonayo in la oggolaysiiyo ilmo aysan dhalin. ld qallac¹, qallax¹.

sirqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley si ay neeftu ugu ceshoonto cunaha xarig kaga xirid.

ces [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -satay)
Cid xurmayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg