cibaado
(m.dh)

Camal wanaagsan oo loo sameeyo in Ilaah loogu dhawaado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cibaado

ictikaaf [m.l]
Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.

boorayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
(dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.

cibaadeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Qof, cibaado samaysasho.

ilaahcaabud [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(dii.) I. ah: qof Ilaah ka baqa oo cibaado badan. ld allacaabud.

karaamo [m.dh]
1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.

toobadla'aan [m.dh]
Ku sugnaanta lagu sugnaado cibaado la'aan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg