ciirsi
(m.l)1. Taageero. 2. ld ciirsasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciirsi ↴
waaqla' [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.
agab [m.l]
1. Faa'idada iyo waxtarka ay cidi leedahay. 2. Ciirsi; miciin.
agabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid ciirsi ka dhigasho.
ciirsasho [m.f.dh]
eeg ciirso. ld ciirsad, ciirsi (2).
ciirsila' [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'aa, -'ayd)
Meel cidla'ah oo aan wax la miciinsado joogin.
ciirsila'aan [m.f.dh]
eeg ciirsila'. ld ciirsila'aansho.
ciirsila'aansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ciirsila'aan.
ciribso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
hobay [m.l]
1. Dhul boor ah oo ay ku badantahay sarmaanta iyo qansaxa. 2. H. ah: meel cidla ciirsila'ah.
ciir [m.l]
1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid.
ciir [m.dh]
Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan.
ciir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax miisaankiisa dhan u iilasho.