cirjeex
(m.dh)Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. ld cirjiir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cirjeex ↴
cirjiir [m.dh]
ld cirjeex.
farraarre [m.l]
Meereeyeyaasha u dhexeeya dhulka iyo cirjeexda midkood; Mariikh.
mariikh [m.l]
(c.fal.) Meerayaasha mid ka mid ah oo u dhexeeya dhulka iyo mushtarka; cirjeex; farraarre.
meere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa siddeed. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.
mushtar [m.l]
1. Meeraha shanaad oo u dhexeeya mariikha iyo sulka; cirjeex; cirjiir. 2. (-ryo, m.dh) Ganacsi.