cudud
(m.dh) (-do, m.l)

1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.

cudud
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Wax xoog ku muquunin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cudud

ceelgeeye [m.l]
Muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.

cududid [m.f.dh]
eeg cudud².

daro [m.dh]
1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.

dermad [m.dh]
Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.

garabjiid [m.dh]
Summad geela lagu dhigo oo ah alif ku jiidan garabka fooddiisa ilaa cududda meesha ay iska galaa.

iskutaallo [m.dh]
Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.

jijin [m.dh] (-imo, m.l)
Garangaro yar oo dahab ama qalin ah oo dumarku cududaha gashadaan. ld jinjin.

jilibxir [m.l]
1. Hab geela xarig bowdada iyo cududda la isaga xiro si uusan u baxsan ama meel fog u aadin. 2. Duco loo akhriyo xoolo ama carruur dhuntay, si aysan meel fog u aadin. 3. Hanti la siiyo cid hawl loo dirsaday. 4. Xoolo in caano laga maalo awgood guriga loogu ilaaliyo. 5. ld jilibixirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg