cudurdaar
(m.l) (-rro, m.dh)

Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay.

cudurdaar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

U c.: sababta arrin kalliftay sheegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cudurdaar ↴

cudurdaarasho [m.f.dh]
eeg cudurdaaro.

cudurdaarid [m.f.dh]
eeg cudurdaar².

cudurdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Cudurdaar sheegasho.

macduur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.

marmarsiinyo [m.dh]
Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. ld marmarsiino.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg