cufnaan
(m.dh)

Layiignimo; cumur.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cufnaan

kaaliyam [m.l]
(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.

xaddi-foolwaa [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.

arjantam [m.l] (-mmo, m.dh)
(kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.

barqiirqiir [m.dh] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.

cabbir-dhuleed [m.l]
(juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.

carrojiif [m.l]
(jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.

cufnaan u-eegan [m.l]
(fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.

cufnaan-hoorbeeg [m.l] (-go, m.l)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro cufnaanta ama cufnaanta u-eegan ee hoorka.

cufnaanta tirada dadka [m.l]
(juqr.) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg