culaab
(m.dh)

Culayska shey leeyahay; miisaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh culaab

baari [m.l]
1. Culays, culaab. 2. ld baariyid.

culaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
ld culaabi.

culaabeyn [m.dh]
ld culaabin.

culaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax culaysin. ld culaabee.

culaabin [m.f.dh]
eeg culaabi. ld culaabeyn.

miisaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.

rar [m.l]
1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

rar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Gaadiid culaab saarid.

raran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Gaadiid wax culaab la saaray noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg