culus
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-uslaa, -uslayd)

1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh culus

jaakad [m.dh] (-do, m.l)
Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.

naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.

abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

baroordiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.

baroordiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.

barroosin [m.l]
Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.

birilaxooxeed [m.dh]
Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.

biyoculus [m.dh] (-syo. m.dh)
Ceelasha la shubo meesha isha xigta.

biyoculus [m.dh]
(kiim.) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.

cul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg