cun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-nay, -ntay)1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cun ↴
aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid.
2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid.
3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
baabasiir [m.l (daaw.)]
Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir bawaasiir
xaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.
haad [m.l]
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud.
3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
jaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qaad cunid. 2. Ku
jaad: cid shaqo u xilsaarid.
caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha
iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
maacuun [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qalabka jikada looga
adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida
suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm. suxuun, digsiyo, mindiyo
yaahuu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tus. “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.
yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.