cunug
(m.l) (-gyo, m.dh)

Ilma yar oo lab, wiil.

cunug
(m.dh) (-gyo, m.dh)

Ilmo yar oo dheddig.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cunug

uduufaa [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.

uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.

haldhurre [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Haldhaa gooni daaq ah. 2. Cunug gorayo kali ku ah. 3. H. ah: miro sooc ah ama qof ama neef xoolo ah oo door ah.

jal [m.l]
1. ld jaq 1. Caano yar oo ilmaha yaryar la siiyo. 2. J. ah: cunug aan si fiican u korin nafaqo yari darteed. 3. Dabbidka yar ee la siiyo qof aad u jirran; jeenan.

saddexan [m.l]
1. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur.

sebi [m.l] (-iyo, m.dh)
Ilmo; caruur; cunug.

cun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg