cur
(m.l)1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cur ↴
qaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax
fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi
(1). qaabi
jaad [m.l]
1. ld qaad 1. Geed caleentiisa,
laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la
calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc.
3. Kala jaad: kala duwan. qaad, nooc
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
naaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee. naafee, dhaawicid, curyaamin
kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
maanganiis [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.
naatariyam [m.l] (-mo, m.dh)
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka).
ogsajiin [m.dh]
1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin.
ogsajiin [m.dh]
(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.