curan
(m.l)

Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood.

curan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax neeftu ku xirantay noqosho (san).

curan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curan

qaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l), Meesha dhuuban ee daanka.

ugub [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Dhul dihin oo aan weli laga xoojin; cusayb. 2. Naflay dheddig oo aan weli curan.

ugub [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gbaa, -gbayd)
Wax aan weli curan ahaansho.

boojaal [m.dh] (-lo, m.l)
Digaag aan weli curan.

ceesaan [m.dh] (-aamo, m.l)
Dheddig ari cad oo aan weli curan.

curmid [m.f.dh]
eeg curan¹.

curnaan [m.f.dh]
eeg curan. ld curnaansho.

cur [m.l]
1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg