curdan
(m.l)

1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. ld cardun, curdin, curdun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curdan

jaad [m.l]
1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala jaad: kala duwan. qaad, nooc

balag [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iwm oo curdan ah.

barooro [m.dh]
1. Quwaaxa masaggada marka uu curdanka yahay ee aan la cuni karin. 2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.

cambuul [m.dh]
Qodaxda sarmaanta marka ay curdanka tahay; dhambacaluul.

cardun [m.l]
ld curdan.

cargo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Laan ama miro curdan ah.

curdansad [m.l]
ld curdansasho.

curdansasho [m.f.dh]
eeg curdanso. ld curdansad, curdansi.

curdansi [m.l]
ld curdansasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg