curraaf
(m.l) (-fyo, m.dh)

1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. ld curraf, curraafiye.

curraaf
(m.dh) (-fo, m.l)

Neef ido ah dheddig oo laf yar.

curraaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

Cid sixrid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curraaf

cunsurguuri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid.

curraafee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-feeyay, -feysay)
Xiddiga ka faalin. ld curraafi, currafee, currafi.

curraafeyn [m.f.dh]
curraafee. ld currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi.

curraafi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
ld curraafee.

curraafid [m.f.dh]
eeg curraaf³.

curraafin [m.dh]
ld curraafeyn.

curraafis [m.dh]
ld curraafeyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg