curyaami
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curyaami ↴

naaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee. naafee, dhaawicid, curyaamin

boqnagoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ooyay, -oysay)
1. Qof luggoyn. 2. Nafley si loo curyaamiyo feyla jarid. ld boqnajar, boqongoo.

boqnagooyo [m.dh]
1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. ld boqnagoyn.

curyaamid [m.f.dh]
eeg curyaan².

curyaamin [m.f.dh]
eeg curyaami. ld curyaamis.

curyaamis [m.l]
ld curyaamin.

hawldabre [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof ama wax shaqo curyaamiya.

muruq-roor [m.l] (-ryo, m.dh)
(daaw.) Muruq iskuroor xoog weyn oo dhici kara ama cudur guud ahaan jirka saameeya sida: curyaamidda muruqa koogsan. Ama meel kooban ee jirka xaalad xanuun badan awgeed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg