curyaan
(m.l) (-nno, m.dh)1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
curyaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)Qof labada lugood beelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curyaan ↴
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
calaamo [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. ld calaamad.
curyaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid.
curyaamid [m.f.dh]
eeg curyaan².
curyaanad [m.dh] (-do, m.l)
Qof haween ah oo labada lugood la'.
curyaannimo [m.dh]
Curyaan ahaansho.
curyaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.
curyaansanaan [m.f.dh]
eeg curyaansan. ld curyaansanaansho.