cusub
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-sbaa, -sbayd; cuscusub)1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cusub ↴
waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga
sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa
yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee
dugsiga'.
aalad [m.d] (-do, m.dh)
1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tus. “Kombiyuutarku waa ±a. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
jaansaar [m.l]
Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.
jaansaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Kabo duugoobay sar cusub saarid.
jaansaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.
kaaga [dk.lh.l] (-kaaga)
Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Qalinkaaga baa cusub”. ld kaa³.
aannu [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.
arkijireddoon [m.l]
Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.
asaas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Wax cusub oo la sameynayo bilaabid. ld aasaas².
asaasan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
Wax asaasan noqosho. Tus. “Dhismihii dugsiga cusub weli ma asaasmin”. ld aasaasan¹.