cuun
(m.l)

1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cuun

maacuun [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm. suxuun, digsiyo, mindiyo

daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo

daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.

daacuun-calooleed [m.l]
ld daacuun¹. daacuun

daacuuncaloolo [m.l]
ld daacuun¹. daacuun

arbucuun [m.l]
Quraan ama duco loo akhriyo xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo.

arbucuun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan ama duco u akhrin.

arbucuunaan [m.f.dh]
eeg arbucuunan. ld arbucuunaansho.

arbucuunaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld arbucuunaan.

arbucuunan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-anaa, -anayd)
Wax arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo lumay).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg