daaf
(m.dh) (-fo, m.l)

Doc; dinac; hareer. doc, dinac, hareer

daaf
(m.l)

Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro. bakooro

daaf
(m.l)

(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

daaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Daaf ku dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaf

raacdarreeb [m.dh]
Dad gadaal ka daafacaya col wax dhacay ama wax dilay; Geeddan.

daafac [m.l]
ld daaficid. daaficid

daafac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -fici)
Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac². difaac

daafacaad [m.dh]
Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.

daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg