daafac
(m.l)

ld daaficid. daaficid

daafac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -fici)

Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac². difaac

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daafac

raacdarreeb [m.dh]
Dad gadaal ka daafacaya col wax dhacay ama wax dilay; Geeddan.

daafacaad [m.dh]
Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.

daaficid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daafac². ld daafac¹, difaac¹, difaacid. daafac, difaac, difaacid

eedbax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
E. ah: wax uu isku daafaco qof eed lo haysto.

ul [m.dh] (-lo, m.l)
1. (-lo, m.l) Qori dhuuban, geedaha laga goosto oo loo qaato in laysku daafaco ama xoolaha lagu raaco. 2. Lo'tiradeedu boqol (100) gaartay. 3. Tiro lo'ah oo gaar isula soofta.

xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.

difaac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
ld daafac².

isdaafac [m.l]
Baadbaadinta qof naftiisa ka badbaadiya halis ku soo fool leh. ld isdifaac¹.

daaf [m.dh] (-fo, m.l)
Doc; dinac; hareer.

daaf [m.l]
Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.

daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

daaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Daaf ku dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg