daafad
(m.dh)

(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daafad

daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”

kuddaafad [m.dh]
ld dukaafad.

nadaafad [m.dh]
ld nadaafo.

daaf [m.dh] (-fo, m.l)
Doc; dinac; hareer.

daaf [m.l]
Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.

daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

daaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Daaf ku dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg