daar
(m.dh) (-ro, m.l)

Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.

daar
(m.l)

1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.

daar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.

Heydaarin*

Caay ama aflagaado


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Xidaar*

Xushmad, ixtiraam, qadarin


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daar

gaadaar [m.dh]
1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.

raadaar [m.l] (-rro, m.dh)
ld raadar.

tacdaar [m.dh]
(dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. ld tadcaar¹, tamcaar¹.

tacdaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
(dii.) Ku t.: neef duco darteed u qalid. ld tadcaar², tamcaar².

tacdaarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacdaaro. ld tad-caarasho, tamcaarasho.

tacdaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
tacdaar². ld tadcaarid, tamcaarid.

tacdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.

xadaarad [m.dh] (-do, m.l)
Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.

xaddaarad [m.dh] (-do, m.l)
ld xadaarad.

adaarbiciid [m.l]
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. ld adarbiciid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg