daas
(m.l) (-sas, m.l/-syo, m.dh)

1. Guri. 2. Dukaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daas

birow [m.l] (-wyo, m.dh)
Weel yar oo bir ka samaysan; daasad.

cicin [m.l]
Nooc cawska biyaha dhexdooda ka baxa ka mid ah oo leh laamo dhaadheer oo jiljilicsan oo daashashka lagu dedo. ld dicin.

daasad [m.dh] (-do, m.l)
Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iwm ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.

daash [m.l] (-shash, m.l)
Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso.

jimicsi [m.l]
1. Oogo daashay ama curuqday oo la kala bixbixiyo. 2. Hab gaar ah oo loogu talaggalay in oogada, siiba muruqyada, lagu dhiso oo lagu adkeeyo.

khadyaan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: qof dhibaato uusan wax ka qaban karin daashatay.

neefi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.

qanjool [m.l]
Geed gaab xeebaha bari ka baxa oo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan leh oo daashashka lagu dedo.

qardaas [m.l] (-syo, m.dh)
Xaashi sida badan adag oo loo habeeyey in wax lagu rito. ld qirdaas.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg