daay
(m.l)

Biyo uus laga miiray.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daay

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

idaacad [m.dh] (-dyo, m.l)
Warka raadiyaha ama TVga laga sii daayo. ld idaaco. idaaco

kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.

ugxanayn [m.dh]
(baay.) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.

uumi saarid [m.dh]
(bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.

xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.

afuufo [m.dh]
Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.

akhriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Nin raadiyaha, telefiishinka iwm war ka sii daaya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg