daayeer
(m.l)

(daayeer/-rro, m.dh) Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daayeer

daanyeer [m.l] (-rro, m.dh)
ld daayeer.

daanyeerad [m.dh] (-do, m.l)
ld daayeerad.

daayeerad [m.dh] (-do, m.l)
Dheddiga daayeerka; saayo. ld daanyeerad.

garaadley [m.dh]
(c.nafl.) Duul ka tirsan naasleyda oo ay ka mid yihiin daayeerada iyo dadk.

geedatiris [m.dh]
Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kor.

goriilla [m.l]
Nooc daayeerka ka mid ah oo dadka u eg oo ku nool Afrika oo dhererkiisu gaaro laba mitir ama ka badan. ld gooriilla.

xaraar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gebi ku yaal babac qar dheer oo badanaa daayeerku ku hoydo habeenkii. 2. ld tarro. Dhagax-nuuradeed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg