darar
(m.l)1. Caano badan oo candho xoolaad ku yaal. 2. ld dararid.
darar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Neef xoolo ah candhadiisa caano badan ka muuqasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darar ↴
ibalaroor [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor. iballaroor
ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.
candhakar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Candho xoolaad aad u dararid.
candhakarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Candho xoolaad wax aad u dararay ahaansho.
candhokar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Candho xoolaad aad u dararid.
candhokarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Candho xoolaad wax aad u dararsan ahaansho.
darari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
dararid [m.f.dh]
eeg darar². ld darar¹ (2).