duubo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-btay, -batay)

1. Wax fidsan laalaabasho. 2. Nabar gaarso ku duubasho. 3. Qof boqor ka dhigasho. 4. Duub madaxa ku xirasho. 5. Indho maro ku xirasho. 6. Maro guntasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duubo

yuur [m.dh]
Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay

barandi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.

cajalad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.

caloolduubo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Ka c.: wax ka rajo dhigid.

duubasho [m.f.dh]
eeg duubo.

faarmaan [m.l] (-nno, m.dh)
Qori dheer oo xooggan oo shiraaca doonta kor ka haya, markuu furanyahay, marka kalena lagu duubo.

faashad [m.dh] (-do, m.l)
Gabal dhar oo cad oo lagu duubo meelaha dhaawacan ee jirka.

farammar [m.l]
1. Wax gacanta la geliyo ama lagu duubo marka hawl adag la qabanayo. 2. ld faraggal.

indhadduub [m.l] (-byo, m.dh)
Maro iwm oo indhaha lagu duubo si aan wax loo arag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg