eeddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eeddo

ujeeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.

ulajeeddo [m.dh]
ld ujeeddo.

ilma-eeddo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ilmo waxa ay u yihiin carruurta abtigood dhalay.

ina-eeddo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(ilma-eeddo, m.l) Aabaha walaashiis wiilka ama gabarta ay dhashay.

kureeddo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.

leeddo [m.dh]
1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. ld leeddafuulid.

eed [m.dh] (-do, m.l)
1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.

eed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg