eelo
(m.dh)

Deero. deero

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eelo

edebyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.

waayeelow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Waayeel noqosho.

yeelo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-eeshay, -eelatay)
1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iwm suun u samaysasho.

yeelyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Cir in uu da'o u diyaar garoobid.

beeloobid [m.f.dh]
eeg beelow.

beelow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid.

canjeelo [m.dh]
Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. ld canjeero.

ceelyeelo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-eeshay, -eelatay)
Xoolo iyadoon cidi wadin ceel aadid.

dhabeeloobid [m.f.dh]
eeg dhabeelow.

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e.

ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg