engeg
(m.l)

Wax aan qoyanayn.

engeg
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

Wax qoyanaa qalalid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh engeg

xaab [m.l.w]
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.

yaabis [m.l]
1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin. engegan, yaabin

laabqoyan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan.

laabqoyan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qori iwm wax aan si fiican u engegin ahaansho.

waadi [m.l] (-iyo, m.dh)
Tog engegan oo kolka roob da'o kaliya biyo qaadaan.

xaaluf [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dhulka engegay ama nabaad-guuray oo daaqii ka dhammaaday.

calool-engegnaan [m.dh]
(daaw.) Xaalad dhigidda saxarada ay aad u yaraato ama saxarada ay aad u adkaato yaraatana ama soo dhaafidda saxarada ay dhib ama xanuun keento.

dhiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Aqal, dugsi, xafiis iwm samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.

dhuubaan [m.dh]
Miro bisil oo engegan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg