engegan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

Wax qalalay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh engegan

yaabis [m.l]
1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin. engegan, yaabin

waadi [m.l] (-iyo, m.dh)
Tog engegan oo kolka roob da'o kaliya biyo qaadaan.

dhuubaan [m.dh]
Miro bisil oo engegan.

engegnaan [m.f.dh]
eeg engegan. ld engeg- naansho.

naytarojiin [m.dh] (-nno, m.dh)
1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.

tog [m.l] (-gag, m.l)
(juqr.) Biyo mareen lama degaan kaa soo badanaa engegan, oo biyo leh kaliya xilli roob badan kaddib. Togaggu waxay guud ahaan ku baaba'aan lamadegaanka dhexdiisa, waxa laga yaabaa inay ka siilaabmaan lamaddegaanka laftiisa, ama dhalaalidda barafyada ee buuro fog.

xeerka Jaarles [m.l]
(fiis.) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.

engeg [m.l]
Wax aan qoyanayn.

engeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Wax qoyanaa qalalid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg