faalal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalalid

faalal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)

1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faalal

faalalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg faalal². ld faalal¹ (3). faalal

faalallow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. ld faalshow, faashow. Sixirrow, faalshow, faashow

faalshow [m.l]
ld faalallow. faalallow

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

saaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid.

saarasaare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Geed faalala, leh caleemo iyo laamo jiljilicsan oo dhirta kale ku saaqa.

unuun [m.l]
1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.

aneexo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. ld uneexo.

faal [m.l]
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg