fahmid
(m.f.dh)

eeg fahan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fahmid

maangaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.

afgaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Cid ujeeddadeeda fahmid.

dhaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Neef qoob ka xirid si aanu u cararin. 2. Dheri, xeero, burjiko iwm tolid. 3. Wax fahmid ama garasho (cid). ld dhaag.

dhuux [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid.

garo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax fahmid. 2. Wax aqoonsash.

had [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.

is-afgaranwaa [m.l]
Is fahmid la'aan.

macnagaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Qof ujeeddadiisa fahmid. ld micnagaro.

muuqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
1. Wax la arki karo noqosho. 2. U m.: wax dhab ahaantiisa mooyaane si kale u arkid ama u fahmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg