fahmo
(m.dh)

1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. ld fahmad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fahmo

faahin [m.l] (-miin m.dh)
Qof fahmo badan.

naawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.

oraah [m.dh] (-ho, m.l)
1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.

afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.

baxsanaan [m.dh]
(daaw.) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.

fahmad [m.dh]
ld fahmo.

nanashaaddo [m.dh]
1. Farax, fahmo, firfircooni. 2. Wax si xiiso iyo rabitaan leh loo qabto. 3. Daal iyo jiljileec la'aan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg