fandhaal
(m.l) (-llo, m.dh)

Qaaddo qori ka samaysan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fandhaal

kaal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.

kaalbaa [m.l]
Caano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.

qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.

xagaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Guggub. 2. Fandhaal dheri x. looga hoolo.

dhisiq [m.dh] (-qyo, m.dh)
Geed weyn, sal balaran, caleemo yaryar, qori adag, har yar leh oo kooraha, fandhaalada iwm laga qoro. ld bisiq, dhosoq.

dhure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.

fandhaallaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax fandhaal la socdaan ahaansho (xeero).

fandhaallaysnaan [m.f.dh]
eeg fandhaallaysan. ld fandhaallaysnaansho.

fandhaallaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld fandhaallaysnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg