fangar
(m.dh)

Meel wax ka go'ay daloolka ay yeelato. ld fongor¹ (3).

fangar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Wax dalool u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fangar

fangaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax fangar leh ahaansho. ld fongoran (2).

fangarid [m.f.dh]
eeg fangar².

fangarnaan [m.f.dh]
eeg fangaran. ld fangarnaansho.

fangarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld fangarnaan.

fongor [m.dh]
1. Dabci xumi qof leeyahay. 2. Summad xoolaha lagu dhigo. 3. ld fangar 1. Meel wax ka go'een daloolka ay yeelato.

fongoran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax la fongoray ahaansho. 2. ld fangaran. Wax cad ka maqanyahay ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg