gaabin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg gaabi². ld gaabis gaabi, gaabis

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaabin

gaabis [m.l]
1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin. gaabin

saandambee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysey)
1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.

tafajiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Socod diidmo, gaabin iyo tabar darro ku jirto socosho.

baraarujin-caafimaad [m.l]
(daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.

har [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Digo iwm meel ka xaarid. 2. (f.mg) Safar iwm dad u bixi lahaa mid ka mid ah ka baaqasho. 3. (f.mg) Qof dad uu la socday ka gaabin. 4. (f.mg) Wax la isticmaalay in yar ka baaqi noqosho. 5. (f.mg) U h.: qof dhintay xoolo ka dhaxlid.

koob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dham-maantood wada marid ama wada aqoon. 2. Soo k.: arrin iwm soo gaabin.

maggaabin [m.f.dh]
eeg maggaabi.

xuluulo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3]
(xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.

gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg