gaabis
(m.l)

1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin. gaabin

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaabis

gaabin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaabi². ld gaabis gaabi, gaabis

xaaxeeyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.nafl.) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.

dhadhaab-shileed-hoose [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.

gucaad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-dyo, m.dh)
G. ah: nafley socodka ku gaabisa.

habhab [m.dh]
1. Socod ama orod gaabis ah oo culays ku jiro. 2. Fudfudayd si aan laga fiirsan hawl loo qabto.

jibaadgaabis [m.l]
Duco loola jeedo in qof naftu dhibayso adduun ama aakhiro mid uu u dhaco.

gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg