gaajo
(m.dh)Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. ld qaajo. qaajo
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaajo ↴
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
baahi [m.dh]
1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
gaajabbeel [m.l]
Reebidda gaajo ku haysay lagu reebo cunto yar. ld qaajabbeel¹. qaajabbeel
gaajabbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Nafley baahneyd gaajo iska reebid. ld qaajabbeel². qaajabbeel
gaajaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax gaajo hayso ahaansho. ld qaajaysan. qaajaysan
gaajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Gaajo dareemid.
gaajood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg gaajoo. gaajoo
qaajo [m.dh]
ld gaajo.
qaajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld gaajoo.