haad
(m.dh) (-dad, m.l)

Baylah, goldaloolo.

haad
(m.l)

1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.

haad
((haad, m.dh)) m.l

Nafleyda inta duusha oo baalka leh.

haad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.

Haadsan*

1-Kala miirad oo inta wanaagsan laharid  2-kala haadin eray loo adeegsado marka badarka loo kala saarayo budo iyo buunshe ama jariir iyo buunshe


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haad

haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.

haadahaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.

haadey [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey. hoohey

haad-haad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Fudfudayd xagga dabeecadda ah.

haad-haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Fudfudayd muujin.

haad-haadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haad-haad². haad-haad

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg