haadey
(Erey Dareen | Exclamation)

Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey. hoohey

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haadey

hoohey [Erey Dareen | Exclamation]
ld haadey.

haad [m.dh] (-dad, m.l)
Baylah, goldaloolo.

haad [m.l]
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.

haad [(haad, m.dh)] m.l
Nafleyda inta duusha oo baalka leh.

haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg