haal
(m.dh)

Isxilsaar; aabayeel. isxilsaar, aabayeel

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haal

yabadhaalo [m.dh]
Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.

haalaati [m.l]
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati. xaraarad, hamuun, halaati, halalaati

haalbeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Meesha nafleydu u nugushahay oo haddii lagu dhufto ay adagtahay in uu ka kaco.

haalhayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haalhee. haalhee

haalhee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-heeyay, -haysay)
Wax isu xilsaarid.

baashaal [m.l]
1. Sheeko, ciyaar iwm oo waqti isku dhaafin. 2. ld baashaalid.

baashaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Sheeko, ciyaar iwm. waqti ku dhaafin.

baashaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof kale sheeko, ciyaar iyo waqti ku dhaafin.

baashaalid [m.f.dh]
eeg baashaal². ld baashaal¹ (2).

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg