habaabin
(m.f.dh)

eeg habaabi. ld habaabis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaabin

oodjiid [m.l]
1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

dhaqanhabaabin [m.f.dh]
eeg dhaqanhabaabi.

habaabis [m.l]
ld habaabin.

horkac [m.l]
1. (-cyo, m.dh) H. ah: xoolo ama dad isdabajooga oo qoodeynaya, oo mid iyaga ka mid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin. 2. ld horkicid.

luggoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-gooyay, -goysay)
1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.

lumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.

madalhufi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof marin habaabin.

habaab [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-byo, m.dh)
H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg