habaar
(m.l)

Dhibaato cid Eebbe looga baryo.

habaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaar

yaahuu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tus. “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.

raaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax socda wax kale ku darid. 2. Xoolo cid ilaalisa u yeelid. 3. Habaar ama duco cid ku larid. ld raacsii. raacsii

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

yu'o [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-'day, -'atay)
1. Wax cawryid. 2. Wax habaarid.

afkulleeble [m.l]
A. ah: qof habaarkiisu kaco.

asmo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.

awtaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay)
Cid aan laga aarsan karin habaarid.

dhaaw [m.l]
1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.

dhaaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-way, -wday)
1. Cid habaarid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka daaweyn. 3. ld dhaw².

ered [m.l] (-dyo, m.dh)
Awood qofka Eebbe siiyo oo habaarkiisa iyo ducadiisuba kacdo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg